Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ninki Ka Danbeeyey Weerarki Barcelona oo La Dilay


Abatido terrorista de ataque en Barcelona
Abatido terrorista de ataque en Barcelona

Booliska Spain ayaa toogasho ku dilay nin la rumeysanyahay inuu ahaa darawalki waday baabuur caasi ahaa oo Khamiistii la jiirsiiyey dad ku sugnaa magaalada Barcelona.

Weerar u muuqday mid lagu soo gaba gabeyayey kooxihi weerarkaasi ka danbeeyey ayey boolisku sheegeen in ay ku dileen Younes Abouyaaqoub kadib marki la xaqiijiyey Isniinti in lagu arkay tuulo 45 km dhinaca galbeed kaga beegan Barcelona.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay toogteen nin baxsad ah kadib marki uu qabsaday wax u muuqday suunmanka qarxa oo marki danbe la ogaaday inay aheyd qalab bam loo ekeysiiyey.

Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Catalonia Joaquim Forn ayaa u sheegay Radio Catalunya in qof walbaa ay tilmaantay in Younes Abouyaaqoub uu ahaa ninki hayey isteerinka baabuurki loo adeegsaday weerarki Khamiista ee Barcelona.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay dad gaaraya 15 ruux.

XS
SM
MD
LG