Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubno Loo Maleynayo Shabaab oo Dad ku Gowracay Kenya


Shabaab
Shabaab

Mintidiin looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xalay weerar ku qaadeen tuulada Maleli oo ka tirsan deegaanka Wite ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa werisay in saddex qof lagu dilay weerarkaasi kuwaasi oo la gawracay.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalkaasi ayaa sidoo kale qoray in maleeshiyada weerarka gaysatay ay guryo dab qabadsiiyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka weerarka ku dhintay ay yihiin afar qof, inkastoo madaxa amniga ee gobolkaasi Gilbert Kitiyo uu sheegay inay isaga soo gaadhay dhimashada sadedx qof.

Weerarkan ayaa yimid saacado ka hor marka xilkaasi loo dhaarinayo badhasaabka cusub ee gobolka Lamu Fahim Yassin Twaha.

XS
SM
MD
LG