Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Spain: Dad la Raadinayo Kadib Weerarkii Argagixiso


Spain Barcelona
Spain Barcelona

Dalka Spain ayaa waxaa laga raadinayaa dad la tuhmayo kadib markii weerar argagixiso oo loo adeegsaday laba baabuur ay 13 qof ku dileen islamarkaana 100 kale ku dhaawaceen magaalada Barcelona ee gobolka Catalonia.

Weerarkan oo dhacay khamiistii ayaa nin wada baabuur Van ah wuxuu ku jiiray dad ku sugnaa waddada caanka ah ee Las Ramblas.

Ninka baabuurka wada ayaa lug ku baxsaday, waana la raadinayaa illaa iyo hadda.
Booliiska ayaa khamiistii xiray laba qof oo u kala dhashay dalalka Morocco iyo Spain, hase yeeshee weli ma cadda sida ay ugu lug lahaayeen weerarka.

Qof saddexaad ayaa maanta lagu xiray magaalada Ripoll ee waqooyiga gooblka Catalonia, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Catalonia Joaquim Forn.

Weerar kale oo kaas la mid ah ayaa saacado kadib waxaa xeebta Cambrils ee Barcelona uu baabuur ku jiiray dad meel taagnaa iyo boolis.

Booliiska ayaa dilay shan nin oo weerarka soo qaaday oo ay sheegeen inay xirnaayeen suumanka qarxa, oo markii dambe la ogaaday inay ahaayeen kuwa been abuur ah.

Lix qof oo rayid ah iyo sarkaal boolis ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaas.

XS
SM
MD
LG