Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Matuidi oo Maanta Ku Biiraya Juventus


Matuidi
Matuidi

Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa qarka u saaran in ay maanta la wareegto laacibka qadka dhexe ee kooxda Paris St-Germain iyo xulka France Blaise Matuidi .

Laacibkan 30 jirka ah ayaa Khamiistii maray tijaabada caafimaadka, maantana waxaa uu saxiixi doonaa heshiiska uu kooxda kula joogi doono kaasoo ku kacaya 20 milyan oo euro.

Matuidi ayaa u ciyaaray xulka France 58 kulan. Wuxuu ka tirsanaa PSG tan iyo sanadki 2011.

Dhanka kalana kooxda PSG ayaa u dhaw inay lasoo wareegto weeraryahanka reer France iyo kooxda Monaco Kylian Mbappe.

Mbappe ayaa ka maqnaa tababarka kooxda Khamiistii, sidoo kale waxaanan lagu darin liiska ciyaartooyda Monaco ee caawa la dheeli doona kooxda Metz.

XS
SM
MD
LG