Isku xirrada

Mareykanka iyo Somalia oo Sheegay in la Dilay 7 Shabaab ah


Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay toddoba xubnood oo ka mid ah mintiinta kooxda Al-Shabaab ku dileen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ciidamada ammaanka oo ay wehlinayaan ciidamada dalalka saaxiibada la ah Soomalaiya u ogolaaday inay howlgal amni oo ka dhan ah Shabaab ka fuliyaan Jubbada Dhexe.

“Ciidamadeenu waxay dileen toddoba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo mas’uul ka ahaa qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfafainta.

Milatariga Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in toddaba ka tirsan mintidiinta Al-Shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay saddex weerar oo lala haleelay la beegsadaan Shabaab ku sugnaa Jilib.

Dowladda Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku caawiya howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa dhowaanahan sare u qaaday beegsiga xubnaha ururka Al-Shabaab.

Kowdii bishan August, Dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya waxay xaqiijiyeen in hawlgal ka dhacay deegaanka Toora-Toorow lagu dilay madaxii ururka Al-Shabab uqaabilsanaa magaalada Muqdisho Cali Maxamed Xuseen oo la yaqiin Cali Jabal.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG