Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo Xadka u Furaya Xujayda Qadar


Warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa maanta ku warrantay in boqor Salmaan uu ansixiyey in la furo xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Qadar, si loogu ogolaado xujayda dalkaas inay gutaan xajka.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in furitaanka goobta labada dal isaga gudbaan ee Salwa ka sokow, Sacuudiga uu sidoo kale magaalada Doha u dirayo diyaarado soo qaada xujayda, ayada oo qarashkana ay bixineyso dowladda Sacuudiga.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in go’aanka uu yimid kadib kulan dhex maray dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman iyo Sheikh Abdullah bin Ali Al Thani, oo ka mid ah boqortooyada Qadar.

Sacuudiga ayaa horey u sheegay inay xujayda dalka Qadar u ogolaan doonaan kaliya inay diyaarado uga yimaadaan Doha, taasi oo keentay in Qadar ay ku eedeyso Sacuudiga inay siyaasadeynayaan xajka.

Labadan dal ayaa waxaa ka dhex taagnaa xiisad diblomaasiyeed, tan iyo bishii June, markaasi oo Sacuudiga, Bahrain, Masar iyo Imaaraadka Carabta ay xiriirka u jareen Qadar, ayaga oo ku eedeynaya in dalkaas uu taageero argagixisada. Qadar waa ay beenisay eedeymahaas.

XS
SM
MD
LG