Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiriirka Spain oo Adkeeyay Ganaaxii Ronaldo


Ronaldo
Ronaldo

Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Spain, ayaa ku adkeystay go'aankoodii ay shanta kulan ku ganaaxeen ciyaaryahan Cristiano Ronaldo.

Weerar-yahanka Real Madrid, ayaa seegi doonta lugta labaad ee Spanish Super Cup oo ay kooxdiisa la dheeli doonto kooxda Barcelona, taas oo ay lugtii koowaad kaga soo adkaadeen 3-1.

Waxa sidoo kale uusan dheeli doonin afarta kulan ee horyaalka dalka Spain, oo ay kooxdiisa Real Madrid ay cayaari doonto, iyadoo kulanka ugu horeeya ay Axadda Real Madrid la dheeli doonto Deportivo La Coruna.

Ronaldo, ayaa ciyaartii Barcelona ay Axaddii la cayareen qaatay kaarka casaanka; kadibna waxa uu kala tuurey garsoorihii kaarka casaanka ah siiyay, taas oo sababtay in afar kulan oo kale la ganaaxo.

XS
SM
MD
LG