Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buffon, Lionel iyo Ronaldo oo Ku Tartami doona Xidiga Sanadka ee Yurub


1 - Gianluigi Buffon (Juventus)
1 - Gianluigi Buffon (Juventus)

Xiriirka kubadda cakta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa ku dhawaaqay magacyada saddexda laacib ee ku tartami doonta abaalmanita laacibka sanadka ee Yurub.

Waxaa liiska saddexda laacib ee ugu danbeysa isugu soo haray Buffon oo ahgoolhaye u ciyaara xulalka Talyaaniga iyo kooxda Juventus, Messi oo ah weeraryahan u dhashay dalka Argentine una ciyaara kooxda Barcelona iyo Ronaldo oo u dhashay dalka Portugal unu ciyaaro Real Madrid.

Messi iyo Ronaldo horay ayey ugu guuleysteen jaa,isadan, balse Buffon wali ma uusan helin.

Waxaa lagu dhawaaqi doonaa qofka ku guuleysta abaalmarintan 24-ka bishaan August.

Dhinaca gabdhaha kubadda cakta, waxaa abaalmarintan u sharraxan Pernille Harder iyo Dzsenifer Marozsán u dhashay Jarmalka, iyo Lieke Martens uu kasoo jeeda dalka Netherlands.

XS
SM
MD
LG