Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dad Isku Qoys ahaa oo Baabuur lagu Weeraray


Jidadka Muqdisho
Jidadka Muqdisho

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday, shan kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen dadkan oo ka kooban hal qoys, meel ku dhow isgooska Digfeer ee degmada Hodo nee magaalada Muqdisho.

Gaari ayaa la sheegay in uu soo garab istaagay gaariga ay saarnaayeen dad u badnaa carruur, ka dibna lagu furay rasaas, waxaana goobta ka baxsaday kuwii dilka geestay.

Laba ka mid ah dhaawacyada ayaa ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa culus.

Qoyska la weeray waxaa aabe u ah madaxa shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Xasan Cawad, waxaana la sheegay in uusan gaariga saarnayn xilliga dhibka uu dhacay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya. oo la xariira weerarkan lagu qaaday qoyskan.

XS
SM
MD
LG