Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Markale u Digay Waqooyiga Kuuriya


Madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa kawada hadlaya xaaladda halista ah ee ka dhex-taagan Waqooyiga Kuuriya iyo Maraykanka.

MR. Trump ayaa mar kale ku celiyay digniin uu u digay Waqooyiga Kuuriya, isagoo uga digaya hanjabaad iyo talloobyin kale oo ku aadan Maraykanka, gaar ahaan in dalkaasi uu gantaalla ku tuuro jaziirada Guan, balse Trump ayaa sheegay in haddii ay taasi ay dhacdo in hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya uu ka shalayn doono.

“Haddii wax gaaraan ama ka dhacaan jaziiradda Guan, waxaa jiri doono dhibaato weyn, oo weyn oo gaadhi doonto Waqooyi Kuuriya." Sidaas waxaa yiri madaxweyne Trump, mar uu weriyayaal kula hadlayay gobolka New Jersey.

Trump wuxuu kaloo sheegay in Maraykanku u ka fikirayo inuu cunaqabateynno kale oo dheeraad ah saaro dalka Waqooyiga Kuuriya

XS
SM
MD
LG