Isku xirrada

Liverpool: Coutinho laguma iibinayo lacag kasta


Philippe Coutinho

Qorshihii kooxda Barcelona ay ku dooneysay inay kula soo saxiixato Philippe Coutinho, ayaa u muuqda inuu dhintay, kadib markii kooxda Liverpool ay soo saartay bayaan ay ku caddeysay inaysan lacag kasta ku iibin doonin cayaaryahanka.

“Waxaan dooneynaa inaan kala caddeyno mowqifkeena ku aadan Philippe Coutinho. Go’aanka kooxda wuxuu yahay in xiddigan aan la iibin doonin xilli cayaareedkan” ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Liverpool.

Waa markii ugu horreysay ee milkiilayaasha kooxda Liverpool ee FSG ay ka hadlaan doonista kooxda Barcelona ee Coutinho, kadib markii macallin Jurgen Klopp uu horey u sheegay in xiddiga reer Brazil aanu iib ahayn.

“Ma jiro xad qiimo oo aan diyaar u nahay inaan aqbalno” ayuu khamiistii yiri tababarahan Jaramlka ah.

“Hadafkeena ayaa ah inaan haysano kooxda ugu wanaagsan, sidaas darteed waxaan dooneynaa inaan ceshano cayaartoydeena muhiimka ah, islamarkaana ku darno kuwo cusub” ayuu sii raaciyey.

Barcelona ayaa dooneysay inay Countinho ku beddesho xiddigeedii Neymar ee ku biiray kooxda PSG, oo ka bixisay lacag dhan 260 milyan oo dollar.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG