Isku xirrada

Dagaalkii Al-Shabaab iyo Abu Mansuur oo Qaboobay


Shabaab

Wararka naga soo gaaraya magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool, ayaa sheegaya inay dagan tahay xaalada deegaanka Abal oo ay maanta ku dagaalameen maleeshiyo uu hogaaminayay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo kooxda Al-Shabaab.

Rasaasta ay iswaydaarsanayeen dhinacyada deegaanka Abal ee duleedka degmada Xudur ku dagaalamayayaa joogsatay, waxaana wali isku horfadhiya dhinacyada iska hor-imaadka uu dhex maray.

Dagaal maanta ka dhacay Abal, ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen in ka badan 15 ruux oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay, waxaana dagaalka kooxda Shabab looga gubay labo gaadiidkii ay wateen, sida ay xaqiijiyeen ilo ka madax banaan dhinacyada dagaalamay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ee gobalka Bakool ku sugan, ayaa lagu soo warramayaa inay galinkii danbe ee maanta ay u ruqaansadeen deegaanka lagu dagaalamay kuwaasi oo la rumaysan yahay inay garab siinayaan Abuu Mansuur.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG