Isku xirrada

Gacan ka Hadal ka Dhacay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland


Baarlamaanka Somaliland

Khilaaf gacan-ka-hadal isu rogay ayaa maanta xarunta golaha wakiillada Somaliland ku dhexmaray guddoomiyaha cusub ee golahaas Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ahaa musharaxiintii tanaasulay intaan doorashada la gelin.

Markii dagaalka gacan-ka-hadalka ahi dhacay ayaa ciidamada Booliisku ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka, iyadoo xabsiga loo taxaabay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo laba ka mid ah ilaaladiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa isna arrintani ka hadlay. Qodobadaas ayaa Jamala Axmed Cusmaan uu ka waraystay weriyahayaga Barkhad Maxmauud Kaariye.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG