Isku xirrada

Qarax gaadhi oo ka dhacay magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa sababay dhaawaca in ka badan 30 qof. waxaana qaraxan lagu rakibay gudaha gaadhi weyn oo ah nooca khudaarta gura, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Pakistan.

Dadka qaraxan ku dhaawacmay ayaa u badnaa, dadkii waddada hareereheeda marayey xilligii qaraxu dhacay.

Gobolka Punjab ee ay caasimadda u tahay Lahore ayaa ah gobolka uu ka soo jeedo Ra'iisal Wasaarihii xilka laga qaaday Nawad Sharif.

Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa bilawgii bishan xukunka ka qaaday Ra'iisal wasaare Sharif.

Nawad Sharif ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada u soo safto Lahore.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG