Isku xirrada

Mareykanka oo Xaqiijiyey in la Dilay Cali Jabal


Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey maanta in weerar duqeyn ah oo dhacay toddobaadkan lagu beegsaday, laguna dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Cali Maxamed Xuseen oo ahaa guddoomiyihii Al-Shabaab ugu magacownaa Muqdisho, islamarkaana ka mid ahaa xubnaha ugu cod karsan kooxdaas ayaa lagu dilay duqeynta.

Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in Cali Maxamed Xuseen uu ahaa qofka kaliya ee weerarka lagu dilay, islamarkaana aysan jirin wax khasaare shacab ah oo ka dhashay.

“Mareykanka waxaa howlgalkan la fuliyey saaxiibadeena gobolka, wuxuuna jawaab toos u ahaa ficillada Al-Shabaab, oo ay ku jiraan weerarkii dhowaan lagu qaaday ciidamada Soomaalida” ayaa lagu yiri bayaanka.

Cali Maxamed Xuseen oo sidoo kale loo yaqaan Cali Jabal, ayaa ganacsatada Muqdisho ku qasbi jiray inay lacag siiyaan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhacay deegaanka Tooro-Toorow

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG