Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Iran Waxay Waddaa Daandaansi


Nikki Haley, safiirka Mareykanka ee QM

Mareykanka, Britain, France iyo Germany ayaa ku qeexay tijaabadii gantaal ee Iran ay sameysay dhowaan mid aan waafaqsaneyn qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM, waxayna weydiisteen madaxa QM inuu baaritaan ku sameeyo.

“Tijaabada Iran waa mid hanjabaad iyo daan-daansi ah” Waxaa sidaasi lagu yiri warqad dowladda Mareykanka ay u dirtay xoghayaha guud ee QM António Gutteres, ayada oo mataleysa afartan dal.

Khamiistii tagtay ayaa Iran waxa ay hawada u dirtay gantaal xambaara satellite.

Tallaabadaas ayaa dhammaadkii bishii tagtay ee July hoggaamisay in Mareykanka uu cunaqabateyn dhaqaale oo cusub kusoo rogo Iran.

Heshiiskii 2015 laga gaaray barnaamijka nuclear-ka Iran ayaan Iran looga mamnuucin tijaabinta gantaalada riddada dheer, hase yeeshee qaraar kasoo baxay golaha ammaanka ee QM ayaa Iran ugu baaqay inaysan sameyn wax dhaqdhaqaaq tijaabo gantaal ah.

XS
SM
MD
LG