Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muranka Doorashadi Axadi Ka Dhacday Venezuela


Venezuela's President Nicolas Maduro, 2nd right, speaks during a meeting with members of the Constituent Assembly in Caracas, Venezuela, Aug. 2, 2017. The text in the back reads, "Heroic Venezuela."
Venezuela's President Nicolas Maduro, 2nd right, speaks during a meeting with members of the Constituent Assembly in Caracas, Venezuela, Aug. 2, 2017. The text in the back reads, "Heroic Venezuela."

Madaxa guddiga doorashooyinka Venezuela ayaa gaashaanka ku dhiftay eedo loo soo jeediyey oo sheegayey in la musuq maasuqay oo laga badbadiyey tirada dadki usoo baxay doorashadi uu muranka ka taagnaa ee lagu dooranayey gudi dib u qori doona dastuurka qaranka ee dalkaasi.

Gudiga ayaa sheegay in codbixinti todobaadki hore ka dhacday Venezuela ay ka qeybgaleen 8 milyuun oo ruux, laakin shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo qalabka tiknoolojiga ku xiisabiso cododaka ayaa sheegtay in laga been sheegay tirada dadka usoo baxay doorashada.

Mucaaradkuna oo qaadacay doorashada, ayaa iyaguna dhinacooda ka sheegay in usoo bixidda doorashadi Axaddi ay aad uga yareyd nus ka mid ah tirada ay dowaladda sheeagatay.

Madaxa Gudiga Qaran ee Doorashooyinka, Tibisay Lucena, ayaa mas,uuliyad darro ku tilmaantay warka kasoo baxay shirkada Smartmatic ee dalka Ingiriiska. Waxay ku hanjabtay in ay qaadi doonaan tallaabo dhinaca sharciga ah oo ka dhan ah shirkadani.

XS
SM
MD
LG