Isku xirrada

Filimada iyo Saamaynta ay ku Yeeshan Nolosha


Muuqaallada laga baahiyo Telefiishannada ayaa noqday kuwo saamayn xooggan ku yeesha nolosha bulshooyinka.

Daraasad ay sameeyeen ururka Journal of American Medical Association, ayaa si gaar ah u eegay saamaynta uu bulshada ku yeeshay, filim taxane ah oo ay sii daysay shirkadda Netflix ee dalkan Maraykanka.

Daraasad cusub ayaa sheegtay in markii Shirkadda Netflix ay sii daysay filim taxane ah oo lagu magcaabo 13 Reasons Why, ay sare u kacday dadka internetka ka baadhaya ereyada isdilka ama hababka la isu dili karo.

Jariiradda ka faalloota arrimaha caafimaadka ee loosoo gaabiyo JAMA ayaa sheegtay in tirada dadka ka baadhay shabakadda Google arrimaha la xidhiidhai sdilku inay kor u kacday illaa 19%, taas oo ka dhigan in markii filimkan la sii daayey March 31 keedii, tirada dadka baadhista sameeyey inay u dhexeysay 900,000 illaa 1.5 milyan.

Daraasaddani si cad umay qeexin in filimadan taxanaha ah ee haatan la siidaayey oo sheekadooda ay ku jirto dad naftooda waayaya, inay ahayd sababta ugu weyn ee keentay, hase ahaatee waxay xaqiijiyeen in sare u kaca dadka xiisaynaya isdilku inay kor u kacday xilliga filimka la baahiyey.

Ereyada dadka wax baadhaya ay isticmaaleen ee shabakadda Google ay weydiiyeen ayay ka mid ahayd, “Sidee la nafta la isaga goyn karaa” “Qudhgooyo” “Sidee naftaada u khaarajin kartaa” kuwaas oo badankooda aad loo baadhay 19 maalmood oo ka dambeeyey xilliga filimadaasi baxeen.

Khubaro kala duwan oo dhinaca maskaxda ah ayaa sheegay in shirkadda Netflix oo filimada ka ganacsatada inay hab aan anshaxa waafaqsanayn ay u dhaqmeen, ka dib markii ay sii daayeen filimadan taxanaha ah.

Filimada taxanaha ah waxaa ku jira, gabadh yar oo dhigata dugsiga sare, waxay doonaysaa inay is-disho, ka hor waxay sii duubaysaa 13 cajaladood oo ay ku sharaxayso sababta ku kelliftay inay isdisho.

Arrintaasi waxay keentay in khubarada qaarkood ay u arkaan inay ahayd mid xayaysiinaysa in dadku naftooda jaraan, waxaana shirkadu ay haatan markale cusboonaysiisay inay soo saarayso qayb labaad oo taxane ah.

John Ayers oo ah cilmi baadhaha hoggaaminayey daraasaddan ayaa ugu baaqay shirkadda Netflix inay dib uga fiirsato filimadan iyo saamaynta ay ku yeelanayaan dhalinta da’da yar ee ku xidhan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG