Isku xirrada

Kooxda Dekedda oo Hanatay Horyaalka Soomaaliya


Yuu Cali

Kooxda Kubadda Cagta Dekadda, ayaa 19 sano kadib ku guuleysatay tartanka horyaalka Soomaaliya ee ka socday Muqdisho, kadib markii ciyaar xiiso badan oo galabta ka dhacday garoonka Banaadir Stadium ay bar bar dhac gool iyo gool ah isla galeen kooxdii horyaalka difaacaneysay ee Banaadir Sports Club.

Kooxda Banaadir ayaa u baahneyd in ay ka adkaato Dekadda si ay horyaalka ugu horistaagto ugu yaraan in kooxdaasi ay galabta u dabaal degto.

Bar-barahaasi labada kooxood ayay ka dhigtey in horyaalka oo ka dhiman hal kulan ay kala helaan 36 dhibcood oo Dekadda ah iyo 31 Dhibcood oo Banaadir Sports Club aah.

Haddaba, Jamaal Axmed Cismaan, ayaa ciyaartaasi markii ay dhammaatay ka dib waxa uu arrimahaasi ka wareystay tababaraha kooxdaasi Yuusuf Cali Nuur “Yuu Cali” oo sanadkii ugu horeeyay ee uu leyliyo kooxdani koobka kula guuleystay, waxana uu weydiiyay sidey ugu suuragashay hanashada koobka horyaalka kubadda cagta Soomaaliya.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG