Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Gabdho ka Afduubtay Hiiraan


Shabaab
Shabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa saddex gabdhood oo la shaqeeya hay’ad dhinaca miino baarista ka shaqeysa saaka waabarigii ka qafaashay deegaanka Far-libaax ee gobalka Hiiraan.

Sida ay VOA u sheegeen dad deegaanka ah, rag hubeysan ayaa waabarigii hore ee jimcahan maanta waxa ay weerareen deegaanka Far-libaax oo qiyaastii 45 km dhinaca waqooyi galbeed ka xiga magaalada Baledweyne.

Iska hor-imaad kooban oo goobta ka dhacay, ayaa waxaa lagu dilay nin ilaalada shaqaalaha hay’adda ah iyo qof shacab ah, ilaa seddex qof oo kalana waa lagu dhaawacay.

Kooxda weerartay deegaanka Far-libaax waxaa ay hore u kaxeysteen laba gaari oo mid ka mid ah ay lahayd hay’ada gabdhaha laga qafaashay, mid kalena uu lahaa NGO ka shaqeeya arrimaha caafimaadka deegaanka.

Dhinaca kale, Al-Shabaa ayaa sheegatay in ay weerartay saldhig ay ciidamada Liyuu Boolis ku lahayeen deegaanka Far-Libaax

XS
SM
MD
LG