Isku xirrada

Trump iyo Putin oo Yeeshay Kulan aan Horey loo Shaacin


Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka, Donald Trump iyo Vladimir Putin ayaa la shaaciyey inay yeesheen kulan labaad oo aan horey loo ogeyn, intii uu socday shirkii dalalka G20 ee lagu qabtay dalka Jarmalka.

Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa habeenkii talaadada xaqiijiyey in wada-hadalladan labaad ay ka dhaceen kulan casho ah oo loo qabtay hogaamiyayaasha G20 iyo xaasaskooda.

Illaa iyo hadda lama shaacin waxa looga hadlay kulanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku diiday warbixinada warbaahinta ee ah inuu casho sir ah la yeeshay Putin.

Kulankii ugu horreeyey ee Trump iyo Putin ayaa qaatay laba saac, ayada oo Trump uu sheegay in Putin uu beeniyey in Ruushka ay ku lug lahaayeen doorashadii madaxweyne ee Mareyanka ka dhacday sanadkii tagay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG