Isku xirrada

Dadaalladii Lagu Bedelayey Obamacare oo Guuldarreystay


Mitch McConnell

Dadaallada ay xubnaha xisbiga Jamhuuriga ku doonayeen inay isbeddelo ugu sameeyaan barnaamijka daryeelka caafimaadka Mareykanka ayaa burburay, kadib markii laba senator oo hore leh ay kasoo horjeesteen sharci uu soo bandhigay guddoomiyaha aqlabiyadda ee senate-ka Mitch McConnell.

Senator Jerry Moran oo laga soo doorto Kansas iyo Mike Lee oo laga soo doorto Utah, ayaa soo saaray laba qoraal oo kale duwan oo ay ku sheegeen inaysan u codeyn doonin sharciga, sababtuna ay tahay isaga oo aan wax badan ka baddaleyn sharciga hadda jira ee Obamacare.

Sidoo kale xubno kale oo Jamhuuri ah, ayaa sharcigan uga soo horjeestay walaacyo ku saabsan inuu ceymiska canshuur u diidi doono malaayin qof, gaar ahaanna uu dhimi doono qarashka ku baxa barnaamijka dadka saboolka ay ku helaan ceymiska caafimaad ee loo yaqaan Medicaid.

Waa markii labaad ee sharcigan uu guuldarreysto laba bilood gudahood, ayada oo bishii June uu McConnell joojiyey in sharciga cod loo qaado kadib markii uu waayey taageero ku filan, taasi oo keentay inuu isbeddel kusoo sameeyo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG