Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Venezuela oo Ku Baaqay Shaqa-joojin


Freddy Guevara, center, first Vice-President of the National Assembly and lawmaker of the Venezuelan coalition of opposition parties (MUD), talks to the media during a news conference in Caracas, Venezuela, July 17, 2017.

Mucaaradka Dowlada Venezuela ayaa ku baaqay hal maalin oo shaqo joojin ah oo ay rabaan in ay dalka oo dhan ka hirgasho Khamiista soo socota, si ay ugu cadaadiyaan madaxweyne Nicolas Maduro inuu joojiyo qorshe uu ku doonayo inuu ku sameeyo dastuur cusub.

Mucaaradka ayaa sheegay in ay qaadayaan olole ay ugu magac dareen “Howlgalki Ugu Danbeeyey” oo ka dhan ah madaxweyne Maduro iyaga oo doonaya in madaxweynaha uu ku dhawaaqo doorasho waqtigeedii laga soo hormariyey.

Balse madaxweyne Maduro ayaa dhagaha ka xirtay baaqa mucaaradka, isaga oo wacad ku maray inuu 30-ka bishan July sameyn doono guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona dastuurka cusub.

Madaxweyne Donald Trump ayaa xalay sheegay in Mareykanka uu cunaqabateyn adag oo dhinaca dhaqaalaha ah saari doono, hadii uu madaxweyne Maduro ku adkeysto qorshishaha uu dastuurka ku badalayo.

XS
SM
MD
LG