Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jerusalem: Weerar Lagu Dilay Laba Qof


Afhayeen u hadlay booliiska Israel ayaa sheegay in saddex qof oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca ay rasaas ku fureen boolis ku sugnaa magaalada qadiimiga ah ee Jerusalem, halkaasi oo laba qof ay ku dileen, dhowr kalena ay ku dhaawaceen.

Mickey Rosenfeld ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay isku dayeen sidoo kale inay dad mindiyeeyaan ka hor inta aysan u cararin dhinaca masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

“Booliiska ayaa kadib ceersaday dadkaasi, dhammaantoodna waa la dilay” ayuu yiri afhayeenka.

Booliiska Israel ayaa sheegay in salaadda Jimcaha aan maanta lagu tukan doonin masjidka barakeysan kadib weerarkan dhacay.

Weli lama baahin wax akhbaaraad ah oo ku saabsan aqoonsiga saddexda qof ee weerarka fulisay.

XS
SM
MD
LG