Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tillerson oo Dib Uga Soo Laabtay Khaliijka


U.S. Secretary of State Rex Tillerson meets with the Emir of Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani at the Sea Palace, in Doha, Qatar, Tuesday, July 11, 2017.
U.S. Secretary of State Rex Tillerson meets with the Emir of Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani at the Sea Palace, in Doha, Qatar, Tuesday, July 11, 2017.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Rex Tillerson ayaa ka tagay Khamiistii dalka Qatar, kadib maalmo uu kulamo gooni gooni ah kula soo yeeshay Bariga Dhexe dalalka Khaliijka ee ay uu khilaafku ka dhaxeeyo.

Tillerson ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su,aalooyin la weydiyey kadib marki uu soo dhmaaday kulankiisi ugu danbeeyey ee uu la yeeshay amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, ka hor inta uusun usoo duulin magaalan Washington.

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka, ka hor inta uusan la hadlan amiirka Qatar, wuxuu Arbacadi magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga kula soo kulmay diblamaasiyiin ka socoda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar.

Socdaalkiisa afarta maalmood qaatay ee uu ku tagay dalalka Khaliijka Rex Tillerson ayaa loo arkaa inuu kala soo laabtay rajo aanan badneyn ooo dhinaca diblamaasiyadda ah.

XS
SM
MD
LG