Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Soo Dhaweeyey Xoreynta Mosul


Iraqi Prime Minister Haider al-Abadi (C) holds an Iraqi flag as he announces victory over Islamic State in Mosul, Iraq, July 10, 2017.
Iraqi Prime Minister Haider al-Abadi (C) holds an Iraqi flag as he announces victory over Islamic State in Mosul, Iraq, July 10, 2017.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hambalyeeyey Iraq, Ra’isulwasaaraheeda iyo ciidanka amaanka xoreynti ay kooxda Daacish ka xoreeyeen magaalada Mosul.

Bayaan uu kasoo saaray Aqalka Cad ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in maalmaha Daacish ee dalalka Ciraq iyo Suuriya ay soo yaraadeen kadib guusha Mosul. Wuxuu intaasi raaciyey in ay sii wadi doonaan burburinta kooxdani.

Ra’isulwasaare Haider al-Abadi ayaa Isniintii si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay dib ula wareegeen magaalada Mosul, kadib 3 sano oo ay magaalada maamulayeen maleeshiyada Daacish.

Khudbad laga sii daayey telefishinka oo uu Abdi ka jeediyey qeybta qadiimiga ah ee magaalada ayuu ku sheegay in guushani ay tahay mid soo afjartay cadawnimada argagixsida.

Millatariga Mareykanka ayaa soo dhaweeyey hadalka Ra’isul wasaaraha Ciraq, balse sheegay in ay wali jiraan meelo ka mid ah magaalada Mosul oo u baahan in wali laga nadiifiyo miinooyin iyo maleeshiyo ka tirsan Daacish oo ay u badantahay in ay dhuumaaleysanayaan.

XS
SM
MD
LG