Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Qarax Lagu Dilay 10 Askari


Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegey in qof isa soo miidaamiyey oo watey gaari uu weerar ku qaadey bar kontorol oo ay milatarigu ku lahaayeen waqooyiga Sinai, waxaana weerarkaas lagu diley 10 ka mid ah ciidamdii milatariga.

Ma jirito cid sheegatey masuuliyada weerarkaas oo maanta oo Jimca ah ka dhacay meel u dhow magaalda Rafah.

Masar ayaa waxa ay la hardameysaa maleeshiyaad ka tirsan ISIS tan iyo 2013-kii, markaasoo ay Milatarigu eryeen madaxweynihii hore Mohamed Mursi oo dadku ay banaanbaxyo waa weyn ku diideen.

Faahfaahinta weerarkaasi ayaa Caasho Ibrahim ay ka wareystay wariyaha VOA ee dalka Masar, Xuseen Saxnuuni.

Wareysi: Weriye Xuseen Saxnuuni
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00

XS
SM
MD
LG