Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Awood U Adeegsanaya Waqooyiga Kuuriya


United Nations - North Korea
United Nations - North Korea

Mareykanka ayaa wargeliyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inuu qaadi doono tallaabo milatari si uu uga hortago khatarta ka imaneysa Kuuriyada Waqooyi, balse ay taasi ka doorbidayaan in arrinta lagu xaliyo hab diblamaasiyadeed iyo go,doomin dhinaca dhaqaalaha ah.

Go,aanka Mareykanka ayaa yimid maalin kadib marki ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal nuuca ballistiga ah ee isaga kala gooshi kara qaaradaha.

Safiirka Mareykanka u jooga Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in Mareykanka uu isu diyaariyey inuu dalkiisa iyo sidoo kale xulufadiisaba difaaco.

Waxa kale oo ay intaasi raacisay in Mareykanka ay ka joogaan dalka Kuuriyada Koofureed ciidamo gaaraya 28,500, halka Japan ay daganyihiin 50,000 oo askari oo Mareykan ah.

Gantaalki ay Waqooyiga Kuuriyda ridday Talaadadi ayaa dhaliyey cambaareyn caalami ah iyo walaac dhinaca diblamaasiyadda ah.

XS
SM
MD
LG