Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tillerson Oo Ku Baaqay Tallaabo ka Dhan ah K/Waqooyi


Tillerson
Tillerson

Xog-hayaha arrimaha dibada ee dalka Mareykanka Rex Tillerson, ayaa sheegay in loo baahanyahay tallaabo caalami ah si loo joojiyo khatarta ka imaneysa Kuuriyada Waqooyi oo shalay tijaanbisay gantaal u muuqda inuu yahay nuuca isaga gudbi kara qaaradaha ee loo yaqaano Ballistiga.

Falkii ugu dambeeyey ee Talaadadii ay gantaalka ku tijaabisey Kuuriyada Waqooyi ayuu ku sheegay Tillerson Khatar sii xoogaysanaysa oo kusoo fool leh Mareykanka, dalalka saaxiibada la ah iyo guud ahaanba dunida.

Diplomaasigan Mareykanka ah ayaa ugu hanjabay wadankasta oo isku dayo inuu siiyo Kuuriyada Waqooyi iskaashi dhaqaale iyo mid military ama ku guuldareysta inuu hirgaliyo qaraarka Q.M ee ka dhanka ah Pyongyang, in loo aqoonsanayo inuu taageerayo wadan khatar.

XS
SM
MD
LG