Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Mar Kale La Kulmaya Angela Merkel


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu la kulmo hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel kahor inta uusan ka qeybgalin shirka ay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ku yeelan doonaan dhamaadka todobaadkaan madaxda dalalka ugu awoodda badan dhinaca qaalaha caalamka.

Afhayeen u hadlay Merkel oo lagu magacaabo Steffen Seibert ayaa sheegay in labada hogaamiye ay u badantahay inay kulmaan saacadaha danbe ee Khamiista, ka hor inta uusan furmin shir madaxeedka dalalka loogu yeero G-20.

Dhinaca kalana, madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay Isniintii inuu khadka telefoonka kula hadlay janselerka Jarmalka Aneglo Markel, madaxweynaha Fransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’isulwasaaraha Talyaaniga Paolo Gentiloni.

War laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu madaxda uu telefoonka kula hadlay kala sheekeystay arrimo ay ku jiraan xiriirka diblamaasiyada, isbadalka cimilada, ganacsiga iyo qaxootiga.

XS
SM
MD
LG