Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Weerar ka Fuliyey Soomaaliya


Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay shalay duqayn ka gaysatay Soomaaliya.

Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ayaa VOA u sheegay in hawlgalkan la fuliyey isla markaana qiimayn lagu samaynayo natiijada weerarka.

Wararka kale oo madaxbannaan oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in duqaynta ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Kunyo Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Warar deegaanka ah oo ay heshay idaacadda ayaa sidoo kale sheegaya in gaadiidka la bartilmaameedsaday ay la socdeen shan qof, waxaana wararku sheegayaan in gantaalku ku dhacay baabuur la bartilmaameedsaday.

Haddaba Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka Telefoonka ee Nairobi ku waraystay Col. Cabdi Xasan Xuseen oo ku magac dheer Cabdi Yare oo hore u soo noqday Taliyaha Nabadsugidda Puntland, wuxuuna taliyuhu falanqaynayaa weerarkan.

Waraysiga Al Shabaab
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00

XS
SM
MD
LG