Isku xirrada

Iman Maxamed: Waxaan Xaadir Ahaa Habeenki La Saaray Calanka Soomaaliya 1960-ki. 


Calanka Soomaaliya

Magaalooyinka ay ku badanyihiin Soomaalida ee ku yaalla dalka Mareykanka ayaa xalay laga xusay sanadguuradii 57-aad ee maalinta xorriyada Soomaaliya ee 1-da Luulyo.

Meelaha laga xusay waxaa ka mid ah magaalooyinka Minneapolis iyo Colombus oo ah halka ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka degan.

Dadka sida wanaagsan ugu dabaaldagay xuska 1-da Luulyo ee sanadkaan waxaa ka mid ahaa Iimaan Maxamed Cusman oo ah aabo Soomaaliyeed oo ka mid ah dadki taagnaa habeenki calanka Soomaaliya laga taagay magaalada Muqdisho, koowdii Luulyo sanadki 1960.

Iimaan Maxamed Cusmaan, hadda wuxuu ku noolyahay gobolka Virginia, wuxuu qadka telefoonka ugu waramay wariyaha VOA-da Sahra Cabdi Axmed.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG