Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo Maanta ka Dhacay Jannaale


Shabaab

Wararka ka imanaya magaalada Jannaale ee Gobolka Shabeella Hoose ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay caawa deggan tahay kadib dagaallo qaraar oo maanta halkaasi ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Warar aanu ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku ka dambeeyey markii ciidamada isbahaysanaya ay saaka weerar ku qaadeen magaalada iyaga oo halkaasi ka qabsaday Al-Shabab. Duhurnimadii ayaa la sheegay Al-Shabab inay soo rogaal celiyeen balse mar kale waxaa dib u riixay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa la sheegay inay ciidamadaasi ay dib ugu soo gurteen degaanka Buufow oo ay hore dagaalka uga qaadeen, waxaana dadka degaanka sheegeen in xilligan ay magaalada Jannaale gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ugu yaraan 5 qof ayaa la sheegay inay dagaalladaan ku dhinteen, sida ay dadka magaaladu u sheegeen VOA.

XS
SM
MD
LG