Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Venezuela oo la Rasaaseeyey


Venezuela
Venezuela

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in diyaarad helicopter ah oo boolisku lahaa oo la dhacay ay rasaas ku furtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maxkamadda Sare ee dalkaas.

Madaxweynaha ayaa falkan ku tilmaamay inuu yahay mid argagixiso oo ay geysteen dad doonayey inay xilka ka tuuraan.

Madaxweyne Maduro ayaa wacad ku maray inuu qaban doono kuwa ka dambeeyey weerarkan, inkasta oo aanu khasaare geysan.

Wasiirka Warfaafinta dalkaas ayaa sheegay in diyaaraddani ay illaa 15 xabbo oo rasaasa ku ridday dhismaha wasaaradda, isla markaana ay ugu yaraan gantaal ku tuureen Maxkamadda SAre.

Wasiirka ayaa duuliyaha diyaaradda weerarka geysatay ku sheegay Oscar Perez, kaas oo ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyey baraha isgaadhsiinta isaga oo dhex taagan ciidamo hubaysan oo muujinaya inay ka soo horjeedaan madaxweynaha dalkaas oo ay ku tilmaamayaan keli taliye.

Hase ahaatee dadka ka soo horjeeda madaxweynaha dalkaas ayaa arrintan ku tilmaamay inay ahayd inqilaab la sii qorsheeyey.

XS
SM
MD
LG