Isku xirrada

Internetka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo Cillad ku Timid


24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada Koonfurta Soomaaliya waxaa khalkhal uu ku yimid khadkii intetnetka oo meelo badan ka maqan.

Wasaaradda Boostaha iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa u sheegtay warbaahinta in ay cillad ku timid mareegaha internetka siin jiray magaalada ee yaala badda.

Wariyaheenna Jacfar Kuukaay ayaa ciladdan iyo guud ahaan internetka Soomaaliya ka wareystay Maxamed Axmed Jaamac, oo ah maamulaha Guud ee Shirkadda Dalkom Soomaaliya, oo iyadu internetka bixisa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG