Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al Shabaab oo Weerartey Xerada Daynuunaay


Shabaab
Shabaab

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in iska hor imaad hubaysani uu ka dhacay xerada Ciidanka Daynuunay oo ku taalla duleedka bari ee magaalada Baydhabo.

Iska hor imaadka ayaa bilawday markii kooxda Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadey ciidamo fadhiisin ku lahaa xerada Daynuunaay.

Wararka hordhaca ah ee weerarkaas ka soo baxaya ayaa sheegaya inay halkaas ku geeriyoodeen illaa shan qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayey iyo hal qof oo rayid ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxdii weerarka soo qaadday ay xerada ku sugnayd muddo kooban, hase ahaatee ay markii dambe isaga baxday.

XS
SM
MD
LG