Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Howlgalka Mareykanka ee Somalia oo u Guuraya Muqdisho


Stephen M. Schwartz
Stephen M. Schwartz

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale howl-gal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan.

Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa la xiray sanaddii 1991-kii, markii dagaallada sokeeye ay ka qarxeen dalka.

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka, John Kerry ayaa booqasho uu sanadii 2015 ku tagey Muqdisho ku sheegay in Mareykanka uu billaabi doono dib u aas-aasidda joogitaankii diblomaasiyeed ee Mareykanka uu ku lahaa Soomaaliya.

Stephen Schwartz ayaa sheegay in xarunta cusub ee Mareykanka ee Muqdisho la furi doono bisha October ee sanadkan.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay hayso lacag ay safaarad cusub uga dhisato Muqdisho, balse ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa waxaa iminka xarun u ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

XS
SM
MD
LG