Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Ammaanka Magaalada Muqdisho


Qarax
Qarax

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka wada howlgal xasilin iyo hubka dhigis ah, ayaa dhinaca kale ku guuleysan la’ inay joojiyaan weerarrada qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ee ururka al-Shabaab uu geysanayo.

10-kii cisho ee la soo dhaafay, saddex qarax oo magaalada ka dhacay waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof oo rayid u badan. Tan iyo markii ay dowladda Farmaajo timid, waxaa la sheegay in ku dhow ilaa 40 qarax inay dhaceen.

Haddaba sababta qaraxyada loo joojin la’yahay iyo waliba qorshaha xasillinta Muqdisho ayaan ku eegaynaa barnaamijka Faaqidaada, waxaana ka qeybgalaya oo ka doodaya Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, wasiirka warfaafinta dowladda Somalia, Ismaaciil Cismaan, ku xigeenkii hore ee agaasimaha hay’adda nabad-sugida oo Ohio jooga iyo Prof. Maxamed Xasan oo jaamacadaha Muqdisho macalin ka ah oo Muqdisho ku sugan.

Faaqidaadda Toddobaadka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:32:33 0:00

XS
SM
MD
LG