Isku xirrada

Qarax ka Dhacay Pakistan oo lagu Dilay 9 qof


Qarax baabuur oo aad u xooggan oo ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa dilay ugu yaraan sagala qof, islamarkaana dhaawacay 20 qof oo kale.

Booliiska magaalada ayaa sheeegay in waxyaabo qarxa oo laga buuxiyey baabuur la dhigay meel ku dhow xafiiska madaxa booliiska gobolka lagu qarxay hage, subaxnimadii jimcaha.

Sida ay sheegeen sirdoonka Pakistan, afar ka tirsan ciidamada ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarka.

Quetta waa caasimadda gobolka Balochistan, oo sanado badan ay ka socdeen weeraro muqaawamo ah oo ay wadeen kooxo gooni u goosad ah.

Sanadihii tagey, ayaa sidoo kale gobolka lagu beegsaday xubno ka mid ah shiicada gobolka.


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG