Isku xirrada

Galmudug iyo Puntland oo Heshiisyo Kala Saxiixday


Gaalkacyo

Kulamo looga xaajoonayo xaalka gobalka Mudug oo u dhaxeeyey mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, ayaa laga soo saaray qodobo horudhac u ah xasilinta Gaalkacyo iyo deegaano ka mid ah miyiga Mudug oo mudooyinkaan ay ka dhacayeen dilal iyo kala dhac xoolo.

Inkastoo wadahadalka labada dhinac aysan jirin cid garwadeen ka ahayd, haddana waxaa wada xaajoodka dhinacyada soo dadajiyey isaraggii Xaaf iyo Gaas ee Cadaado oo ay kaga wada hadleen nabad kusoo dabbaalidda Gaalkacyo.

Xubnaha kala matalayay labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland waxaa ka mid ahaa wasiiro, saraakiil ciidan iyo odayaasha dhaqanka.

Weriyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa warbixintan kasoo diray Gaalkacyo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG