Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar Muslim Ahayd oo Lagu Dilay Virginia


Xarunta ADAMS
Xarunta ADAMS

Booliiska gobolka Virginia ayaa nin kusoo oogay dacwad ku saabsan inuu dilay gabar 17 jir muslim ahayd kadib markii uu weeraray ayada iyo saaxiibadeed oo socda meel ku dhow masjid ku yaalla duleedka magaalada Washington DC.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inuu jiray muran dhex maray labada dhinac, islamarkaana saaxiibadii la socday gabadha ay carareen kadib markii ninka uu kasoo degay baabuurkiisa, oo uu weeraray gabadha.

Saacdo baaritaan ah kadib ayaa meydka gabadha laga heley meel shan KM u jirta masjidka xarunta All Dulles Area Muslim Society (ADAMS).

Masjidka ADAMS ayaa ku yaalla magaalada Sterling ee gobolka Virginia, oo 50 KM u jirta magaalada Washington DC.

Intii lagu guda jiray baaritaanka ayaa booliiska waxa ay arkeen baabuur si xowli ah ku socda, oo ay istaajiyeen, waxayna kadib xireen Martinez Torres oo ah 22 jir lagu tuhmayo dilka.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay sheegeen in weli aysan go’aan ka gaarin sababta dhiirigelisay weerarkan.

XS
SM
MD
LG