Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Kenya


Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay ilaa lix kalena way ku dhaawacmeen kadib markii baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah ay miino kula qaraxday deegaanka Madax-waraabe oo u dhow Lafey, una dhaxaysa Ceel Waaq iyo Mandera.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ka tagay magaalada Ceel-Waaq uuna kusii jeeday Mandera markii ay miinadu la qaraxday.

Mid ka mid ah mas'uuliyiinta deegaanka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka dhaawacmay lasoo gaadhsiiyey cisbitaalka degaanka Lafey uuna ku jiro mid ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada oo dhaawaciiisu halis yahay.

Mas’uuliyiintu waxay VOA u sheegeen in dadka dhintay ay haatan dhan yihiin 4 qof, kuwaasi oo saddex ay ku dhinteen isla goobta qaraxu ka dhacay, kan kalena uu dhintay intii cisbitaalka loo sii waday.

Al-Shabaab ayaa inta badan loo tiriyaa inay ka dambeeyaan weerarradan loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ee ka dhacay Waqooyi Bari Kenya.

XS
SM
MD
LG