Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka: Waxaa Macquul ah in la Dilay Al-Baghdadi


Abu Bakr al-Baghdadi
Abu Bakr al-Baghdadi

Ciidamada Ruushka ayaa maanta sheegay in mid ka mid ah duqeymaha ay ka fuliyeen dalka Syria dabayaaqadii bishii May oo lala beegsaday taliyayaasha kooxda Daacish, laga yaabo in lagu dilay hoggaamiyaha kooxdaas.

Bayaan maanta ay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ay ku daabacday Facebook ayay ku sheegtay in duqeynta oo ka dhacday caasimadda kooxda Daacish ee Raqqa lala helay kulan uu ka qeyb galay Abu Bakr al-Baghdadi.

Ruushka waxa ay sheegeen in duqeynta ay burburisay taliyayaal xil sare ka haya Daacish, 30 taliyeyaal deegaan iyo qiyaastii 300 oo ah mintidiin ilaalo u ahaa taliyayaasha.

Milatariga Ruushka waxa ay sheegeen inay dhinacyo badan ka hubinayaan in al-Bagdhdadi la dilay.

XS
SM
MD
LG