Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Hooyo Laba Gabdhood ku Weysay Qaraxii Muqdisho


Hooyo Sahra Macalin Cabdi oo ah hooyadada dhashey 3 gabdhood oo labo ka mid ah ah ku dhinteen, midna ay uga dhaawacantey, weerarkii Pizza House ee habeenimadii Isniinta ina soo dhaaftey ka dhacay Muqdisho oo VOA la hadashey ayaa ka warantey dareenkeeda ku aadan inay weyday habeen kaliya laba caruur ay ku soo korisay agoonimo, midna ay dhaawac la jiifto.

Hooyo Sahra Macalin waxaa ay sidoo kale nooga warantey, sida gabadhaheeda ay ugu dhinteen Weerarkaasi Alshabab ay geysteen, iyo sidoo kale hadaladii ugu dambeeyey ee ay is yiraahdeen.

Sidoo kale Waxaa VOA uga waramay sida weerarkaasi alshabab ay ugu fududaatey inay kusoo qaadaan maqaayada Pizza House mid ka mid ah milkiilayaasha maqaayadas.

Sahra Cabdi Axmed oo la hadashey dhibanayaasha iyo milkiilaha maqaayada ayaa warbixintan nooga diyaarisey.

Dhageyso warbixin Dhibanayaashii Qaraxii muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:33 0:00

XS
SM
MD
LG