Isku xirrada

Dagaal Beeleed Xalay Ka Dhacay Gobolka Hiiraan


dagaal

Ugu yaraan 9 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dagaal xalay maqribki laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Beenyaaleey oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen dhinacyadi iska soo horjeeday. Gudoomiye ku xigeenka degmada Maxaas Cali Xaaji Xasan, ayaa VOA-da u sheegay in dhaawacyada malayshiyaadka dagaalamay la geeyay isbitaalada magaalooyinka Guriceel iyo Baledweyne.

Dagaalka xalay ka dhacay degmada Maxaas ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul la degaameyn rabay.

Wariyaha VOA-da Nur Hassan Nur ayaa faah-faahinta dagaalka ka wareystay gudoomiye ku xigeenka degmada Maxaas, Cali Xaaji Xasan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG