Isku xirrada

Ganacsatada UK oo Cadaadis Saaraya Xukumada May


Britain's Prime Minister Theresa May.

Hogaamiyayaasha ganacsiga Britian ayaa sare u qaaday dalabkooda ku aadan ka bixitaanka ay Dowlada Britain ka baxeyso Midowga Yurub, kadib marki ay awooda Ra’isul wasaare Theresa May ku wiiqantay doorashadi baarlamaaniga ee dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Xisbiga Ra’isulwasaare May ee Muxaafidka, ayaa waayey aqlabiyada baarlamaanka, taasoo yareeynaysa dardarti ay xakumada ku rabtay in ay ku wajahdo ka bixista Midowga Yurub.

Ganacsatadan ayaa u ololeynaya in dowlada ay xiriir dhaw oo wanaagsan la yeelato Midowga Yurub, halka marki hore ay Ra’isulwsaare May qorsheysay in ay ka baxdo suuqa ganacsiga ee Yurub.

Stephen Martin oo ka tirsan “Machadka Agaasimayaasha” oo ah machad ay leeyihiin koox ganacsato wwood ku leh Ingiriiska, ayaa sheegay in ay u baahanyihiin in ay galangal weyn u yeeshaan Suuqa Yurub.

Doorashadi Khamiistii ka dhacday Ingiriiska ayaa saameysay dhaqaalaha wadanka, kadib marki ay suuqyada saamiga iyo lacagta Pound-ka ay hoos u dhaceen.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG