Isku xirrada

Shaki Laga Muujiyey Dhimashada al-Baghdadi


Abu Bakar al-Baghdadi

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inaysan hayn wax akhbaar ah oo ay ku xaqiijiyaan ama ku beeniyaan warbixinada ku saabsan in hoggaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghadi lagu dilay duqeyn.

Khuburo madax banaan ayaa sidoo kale shaki ka muujinaya wararkan sii baahaya ee ku saabsan dhimashada al-Baghdadi, oo uu baahiyey taleefishinka dowladda Syria.

Afhayeen u hadashay ciidamada Mareykanka ayaa VOA u sheegtay in wax laga weydiiyey arrintan, balse illaa iyo hadda aysan hayn akhbaar lagu xaqiijiyo ama lagu beeniyo.

Koox la socota xadgudubyada xuquuqda aadanaha Syria oo fadhigeedu yahay Britain ayaa xaqiijisay duqeymo xooggan oo toddobaadkii tagay ka dhacay magaalada Raqqqa ee kooxda Daacish ay ka dhigatay caasimadeeda.

Warar gobolka laga helay ayaa sidoo kale sheegay in wakaaladda wararka Daacish ee Amaq news ay baahisay muuqaal muujinaya meyd la tuhunsan yahay inuu yahay kan al-Baghdadi oo la sido.

Si kastaba, wargeyska British-ka ee The Scotsman ayaa soo xigtay tweet-ka fallanqeeyaha argagixisada ee Michael Smith, kaasi oo sheegay inuu arkay muuqalka, uuna rumeysan inuusan ahayn meydka al-Baghdadi.

Marar badan oo horey loo sheegay in hogaamiyaha Daacish la dilay ayaa beenowday.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG