Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Wararka ka imanaya magaalada Muqidishu ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay inta u dhaxaysa cisbitaalada Banaadir iyo Digfeer ee degmada Hodan.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuur uu watay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabo Jeneraal Cumar Jaamac.


Sarkaalka ayaa la sheegay inuu dhaawac fudud kasoo gaadhay qaraxaasi, mana jirto cid kale oo wax ku noqotay.


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay toddobaadkan inay amniga magaalada ku wareejisay ciidan khaas ah oo lagu magacaabo "Ciidanka Xasilinta Amniga Caasimadda".


Mas'uuliyiinta dawladda ayaa sheegay in ciidan aan ahayn kuwa loo xilsaaray amniga aan lagu arki karin magaalada.

XS
SM
MD
LG