WASHINGTON. D.C —
Gobolka Minnesota, banaanbaxyo ayaa ka dhacay banaanka hore ee xarunta maamulka gobolka ee magaalada Siant Paul.
Dadka ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah Islaamka, halka kuwo kalana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayaan dadka Muslimka ah ee ku nool gobolka.
Wariyaha VOA-da ee Minnesota, Maxamuud Mascadde oo joogay halka ay dibadbaxyada ka dhaceen ayaa warbixintaan noo soo diray.