Isku xirrada

Nin Soomaali ah oo Weerar ka Gaystay Australia


Booliiska dalka Australia ayaa sheegay inuu asal ahaan Soomaaliya kasoo jeedo nin weerar ka gaystay magaalada Melbourne kaasi oo magaciisa lagu sheegay Yacquub Khayre.

Booliisku waxay sheegeen inuu ninkaasi qof u qabsaday la-hayste ahaan mid kalena uu ku dilay meel albeerko ah.

Booliiska ayaa falkan ku macneeyey mid argagixiso, waxaana jirta in sidoo kale hadda ka horloo xiray tuhun la xiriira argagixisanimo, balse ay maxkamad dambi ku weysay.

Haaruun Macruuf ayaa sida ay wax u dhaceen ka waraystay weriye Ibraahim Cumar Baafo oo ka tirsan Telefiishanka UNIVERSAL.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG